Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Salaadda Ciidda Carafo kula oogay Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeenno dowladda ah, Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Khudbadda uu jeediyey kadib Salaadda, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, is-jacayl iyo farxad leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ah ee suurtageliyay in si nabad ah loogu ciido caasimadda iyo guud ahaan dalka. Wuxuu shacabka ku boorriyay inay garab istaagaan ciidamada, taageeraan dadka danyarta ah, isla markaana ka shaqeeyaan danta guud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hambalyo gaar ah u diray Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...