Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku saabsanaa la-dagaallanka daacuunka (cholera), kaas oo lagu qabtay habka fogaan aragga.

Shirka oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia oo kaashanaya hay’adaha Africa CDC, WHO, iyo UNICEF ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iskaashiga gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu yareynayo saameynta daacuunka.

Wasiirka ayaa xusay in tan iyo bilowgii 2024 la diiwaan geliyay in ka badan 21,000 oo kiis oo daacuun ah iyo 138 dhimasho, halka sanadka 2025 oo keliya, shan bilood gudahood, ay jiraan in ka badan 4,400 kiis oo laga helay 19 degmo.

Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyay walaaca laga qabo caruurta yaryar, isagoo sheegay in ku dhawaad laba meelood saddex meel kiisaska daacuunka ay ku dhacayaan carruur ka yar 5 sano taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee tallaabooyin xooggan iyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay sii xoojin doontaa dadaallada ay ugu jirto yareynta halista daacuunka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...