Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal iyo dhisidda xiriir wada shaqayneed oo dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Ruushka.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ah labo dowladood oo uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, kaas oo soo jiray qarniyo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...