Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Date:

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac,oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa bulshada Galmudugu ugu baaqay in ay is diiwaan-geliyaan si codkooda ay cidda ay rabaan ugu doortaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye(Qoor-Qoor),oo daah furay ololahan ayaa dhammaan Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay is diiwaangeliyaan,waxa una u mahadceliyay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha ee soo gaaray Galmudug si ay ugu qabtaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowlad goboleedka Galmugud.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo bulshada Caasimadda Dhuusamarreeb.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...