Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

Date:

War-Saxaafadeed

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...