Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Date:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah maamulka Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Gawaaridan, oo laga soo iibiyey mashruuca Damal Caafimaad, isla markaana ay fududeysay Hey’adda Save the Children ayaa loogu talagalay inay kor u qaadaan tayada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 60 xaruumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan iyo Isbitaalada degmooyinka Matabaan, Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Moqokori, kuwaas oo dhammaantood bixiya adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.

Adeegyada Caafimaadka ee gobolka waxaa ka shaqeeya in ka badan 500 shaqaale, oo ay ka mid yihiin dhaqaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,300,000 qof oo isugu jira caruur, haween, waayeel, barakacayaal, iyo reer guuraa ayaa ka faa’iideystay adeegyada bilaashka ah ee gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mar walba ka shaqeynaysaa sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo caafimaad oo loo wada siman yahay, loona horumarin lahaa tayada adeegyada caafimaadka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka hawlaha Caafimaad.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...