Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon Mohamoud Adan Geesood, ayaa ka qeyb-galay Shirka meertada 46-aad ee Golaha qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga (SCTIFI), kaasoo socday intii u dhaxeysay 26-kii illaa 30-kii May 2025 xarunta EAC ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo la raacayo qorshaha jadwal sanadedka ee Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa lagu qabtay saddex kalfadhi oo heerar kala duwan oo ay ka soo bilowdeen Madax sare oo heer farsamo ah, waxaana ku xigay Xoghayayaasha Joogtada ah iyo Agaasimeyaasha Guud, waxaana lagu soo gabagabeeyay heerka Wasiirada EAC, sido kale Goluhu wuxuu diiradda saaray kobcinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maaliyadda, iyo maalgashiga Bariga Afrika.

Intii uu kulanka socday ayaa Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay xog-wareysi heer qaran ah, iyadoo lagu faah faahiyay horumarka laga gaaray hirgelinta Roadmap-ka EAC, waxaana lagu soo bandhigay guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray qorshaha dib u habeynta ganacsiga, Ka-qaybgalkaani waxa uu calaamadeeyay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta, iskaashiga ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...