Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Date:

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka lagu cirib tirayo khawaarijta,xildhibaan Buraale ayaa isagoo furimaha hore ee dagaalka ku sugan bogaadiyey doorka ay dagaalka ka qaateen Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo ciidanka deegaanka macawisleyda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Buraale ayaa sheegay in khawaarijta daciifeen iyagoo hadda maraya in ay afduubtaan hablaha taas oo muujinaysa awood darida ay wajahayaan” Khawaarijta waxa nacday bulshada Soomaaliyeed si gaar ah bulshada gobolka Hiiraan” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dhinaca kale Xildhibaan Buraale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in la fashiliyey qorshe khawaarijtu soo degtay” Khawaarijtu waxay soo dageen qorshe ay culays dagaal ku saarayaan Hiiraan siiba degmada Moqokori,damacaas waxa fashiliyey geesiyaasheena oo difaacay sharafta deegaankooda”.

Ugu dambayn Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey doorka garab istaaga ee uu la garab istaagay Ciidanka deegaanka macawisleyda oo door muhiim ah ka geystay dabar goynta Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...