Muqdisho oo lagu qabtay kulanka qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Barigga Afrika ee (2026โ€“2031)

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan wadatashi oo laba cisho socday, kaas oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahayd diyaarinta qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Bariga Afrika ee (EAC Development Plan 2026โ€“2031).

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan hayโ€™adaha dowladda oo ay khuseyso arrimaha horumarinta, waxaana si wadajir ah loogu gogol xaaray aragtida iyo mudnaanta ay Soomaaliya dooneyso in lagu daro qorshaha cusub ee Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka, hayโ€™adaha dowladda waxay soo bandhigeen halbeegyo iyo hortabinno qaran oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya shanta sano ee soo socota.

Masโ€™uuliyiintii shirka ka qeybgalay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashi qaran iyo mid goboleed si Soomaaliya uga mid noqoto geeddi-socodka horumarineed ee Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...