Wafdi ka socday Turkiga oo booqday Xerada Taliska Ciidanka Haramcad

Date:

Wafdi sare oo ka socda Ciidanka Gaarka ah ee Özel Harekat ee Turkiga ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad ee magaalada Muqdisho. Wafdigan, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sar-sare, ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga Turkiga ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Haramcad dadaallada ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka.

Dowladda Turkiga ayaa si dhow ula socota horumarka Ciidanka Haramcad, waxaana booqashadan ay muujineysaa xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan. Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyay wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...