SoDMA oo soo gabagabeysay kulan looga tashanayay wax ka qabashada masiibooyinka

Date:

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wada-tashi ah oo socday laba maalmood. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay wasaaradaha u qaabilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee maamul-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadantinimo iyo maaraynta masiibooyinka, iyadoo la falanqeeyay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota. Qorshayaashan ayaa lagu hagayaa dadaallada ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dalka.

Lataliyaha Sare ee SoDMA, Maxamed Mukhtaar, ayaa soo jeediyay warbixin qoto dheer oo ku saabsan hannaanka qorsheynta iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay mudnaanta la siinayo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadam sameega ah.

Mas’uuliyiinta ka kala socday maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda bini’aadantinimo ee gobolladooda, iyaga oo si furan uga hadlay caqabadaha haysta adeegyada gurmadka degdegga ah, isgaarsiinta iyo isku-duwidda howlaha la xiriira maaraynta masiibooyinka.

Shirka ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray madaxa horumarinta mashaariicda ee SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah. Dr. Jimcaale ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed si loo xaqiijiyo badbaado iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...