Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa ICRC ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya Mudane Antoine Grand.

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hey’adda ICRC ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ee ka dhaca Gobolka Banaadir, iyadoona la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, taageerida dhinacyada Caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...