Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka ah.

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye wuxuu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jira dib u xorreyn iyo ladagaalanka Argigixisada, iska warqabka, mideynta ajendeyaaaha iyo, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee0 ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyey howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha xoogga dalka, sida ay ugu raadjoogaan Haraadiga Cadowga iyo kaalinta ay tahay in ay guddigan ku lahaadaan gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay Abaabulka, ka hortagga dacaayadaha Argagixisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha ciidamada xoogga dalka, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dedaallada Xasillinta iyo Soo kabashada isaga oo adkeeyey in la labo jibaarro howsha loona diyaargaroobo wejiga ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...