Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Date:

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Tanzania iyo Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa kulan soo dhaweyn iyo is-xogwaraysi ah la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Rwanda, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo arday.

Safiir Ilyaas ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in ay heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin, kuwaas oo laga heli karo Safaaradda Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya.

Amb. Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in Rwanda uu ka mid yahay waddamada aan laga dalbanin fiisaha (Visa) muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in ardayda Soomaaliyeed ay heli karaan fursado waxbarasho oo qiimo dhimis ah, sida ay u helaan ardayda dalalka kale ee ku jira Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...