Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Date:

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Tanzania iyo Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa kulan soo dhaweyn iyo is-xogwaraysi ah la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Rwanda, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo arday.

Safiir Ilyaas ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in ay heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin, kuwaas oo laga heli karo Safaaradda Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya.

Amb. Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in Rwanda uu ka mid yahay waddamada aan laga dalbanin fiisaha (Visa) muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in ardayda Soomaaliyeed ay heli karaan fursado waxbarasho oo qiimo dhimis ah, sida ay u helaan ardayda dalalka kale ee ku jira Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...