Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku soo dhoweeyay taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay sarreeye Guud Sam Okiding, taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...