Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xalay kormeer howled ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa boogaadiyay ciidanka Booliiska oo gurmad bini’aadanimo u sameeyay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho oo qaarkood ay waxyeello u geysteen daadadkii ay dhaliyeen roobabkii xalay.

Mas’uuliyiinta kale ee booqday goobaha ay saameeyeen roobabka waxaa kamid ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska.

Roobabkii xalay ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka,waxaana goobaha ugu daran kamid ah waddooyinka ku yaalla Degmooyinka Waaberi,Hodan ,Xamar Jajab,Wadajir,Boondheere,Yaqshid iyo kuwo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...