Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta

Date:

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaalada Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannadda Carabta iyo dowladda Algeria.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naasho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeeduna tahay Qudus.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada wadanka suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tibaaxay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaannada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhammaan ujeedooyinka iyo hadafyada horumarinta dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyeyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...