Wasiirka Soomaaliya ee Ganacsiga oo kula la yeeshay Safiirka dalka Qatar 

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah. Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo la doonayo in la helo fursado maalgashi oo kor u qaada wax-soo-saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa horey u muujisay xiisaha ay u qabto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, wax-soo-saarka badda iyo berriga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo garoomada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...