Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ciidanka difaaca deegaanada shabeellaha dhexe

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Ciidanka difaaca deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka geysteen difaaca dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta” wax aan idiin ka mahad celinayaa sida geesinimada leh ee u difaacdeen diinta,dalka iyo sharafkiina”.ayuu yiri Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono haraadiga khawaarijta ku soo duulay diinta iyo dalka” Khawaarijta diinta nalama leh ehel ma ah waayo wuxuu kuu arkaa Gaal”khawaarijta waxay ka shaqaysaa in hooyadii la dilo in walaalkii la dilo in dhiiga muslimiinta la daadiyo.

Taliyaha Xoogga oo ka hadlay isa soo dhiibayaasha khawaarijta ayaa yiri ”Wax badan intaa dagaalka ku jirnay waxaa arki jirteen anagoo leh ha isa soo dhiibaan hadda waxaan leenahay ha isa soo dhiibina Meeshiina ku jira, meeshiina ayaa la idin ku soo afjarayaa”.ayuu yiri taliye Odowaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...