Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qeyb ka noqon doona soo afjaridda khawaarijta ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardargelinta dagaalka lagu baacsanayo Khawaariijta ayaa ciidankan ku so dhaweeyay furumaha hore dagaalka Gobalka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo shalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho.

Gobalka Shabeellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgallo culus oo Argagixisada lagu naafeeyay, iyadoo Geesiyada is garabsanaya ay nafta dhaafiyeen Maleeshiyaad tiro beel ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, waxaana lagu burburiyay Saanad ciidan oo khawaarijta laheyd.

Guud ahaan deegaannada khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa waxaa ka socda howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ay iska kaashanayaaan Ciidanka Qaranka, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta lagu khaarajiyay looga Saanad ciidan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...