Wasiir Daa’uud Aweys’’ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Khawaarijta,’’

Date:

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ku soo koobmay in ay shacabka dhibaateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in any Dowlasdu kordhisay duqeymaha cirka ee ay ka fulineyso goobaha ay joogaan Khawaarijta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan ka agdhawaan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in duqeymo dhacay Saacadihii la soo dhaafay lagu dilay horjoogayaal ku sugnaa degmada Jilib.

‘’ Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa howlgalo ballaaran oo lagu beeraha carpets Khawaarijta, kuwaas oo ka dhacay degmada Jilib, markale, waxaan shacabka Soomaaliyeed uga dogma in ay ka fogaadaan goobaha carpets ka soo abaabulayo dhagarta ama ay rabaan in ay ka sameeyaan carqalado dhinac nabadda la xiriira, dowladda federaalka waxaa ka go’an in ay sii waddo howlgallada oo waliba u badan duqeymoDhanka cirka ah, marka si loo yareeyo khasaaro soo gaaro shacabka waa in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Cadowga,’’ ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys oo shir jiraa’d ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Howlgalka Jilib laga fuliyay oo ku soo dhammaaday guul ayaa lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Khawaarijta oo ay ku jiraan labo guri oo ay deganaayeen labo horjooge oo la kala yiraahdo Xasan Yacquub iyo Amiin oo intaba ku yaalo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...