GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY SHARCIGA KA HORTAGA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA

Date:

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana xildhibaanadda Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay...