Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka warbixiyay imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah isku soo dhawaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka iskaashiga, is-qaddarinta, iyo sidii gobolka looga hirgelin lahaa xasilooni, kadib sanadkii hore oo xiriirka labada dal uu caqabado hareeyay.

Bishii December, Itoobiya waxay si rasmi ah uga noqotay heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhawaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey, taasoo ku dhisan iskaashi iyo xiriir xooggan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal ku saabsan xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay warbixin sanadeedka 2024 ee horumarka maaliyadeed

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada...