Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaciil (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen amniga iyo bilicda caasimadda ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan, iyaga oo ka wareystay xaaladda amniga magaalada iyo horumarrada isdaba joogga ah ee caasimadda kusoo siyaadaya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego bulshada.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Amiir ayaa faray waaxaha dowladda hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargeliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...