Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaciil (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen amniga iyo bilicda caasimadda ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan, iyaga oo ka wareystay xaaladda amniga magaalada iyo horumarrada isdaba joogga ah ee caasimadda kusoo siyaadaya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego bulshada.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Amiir ayaa faray waaxaha dowladda hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargeliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...