Wasiirka Awqaafta XFS iyo Safiirka Norway oo ka wada hadlay Dagaalka Afkaaraha ee Xagjirnimada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay ergeyga gaarka ee dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Mr. Einar Rystad, iyo Safiirka Norway u fadhiya Muqdisho, Mr. Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dardar-gelinta howlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si looga badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex-geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, oo ay ka mid yihiin dhinacyada militariga, dhaqaalaha, iyo tiirka fikirka (Ideological Pillar), oo ay hoggaamiso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...