Ciidanka Qaranka iyo AFRICOM oo Duqeyn ku Naafeeyay Khawaarijta

Date:

Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa iskaashanaya si ay u fuliyaan howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ee maanta ku hungoobay weerar ka dhacay degmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka, ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu jabiyay dagaalkii maanta ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Wali waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga, oo aad loogu naafeeyay dagaalkii maanta, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa wixii ka soo kordha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka, ayaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...