Taliye ku xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo bogaadiyay guddiga farsamada xiriirka arrimaha xasillinta

Date:

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa bogaadiyay shaqada guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasillinta kadib kulan ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta gaar ahaan dedaallada ay wadaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo xusay in si gaar ah ay talisku u dhiiragelinayaan ciidanka jooga furimaha.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsigooda, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha amniga, howlaha booliiska ee xasliinta iyo wax qabadka guddiga muddadii uu jiray.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...