Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa bogaadiyay shaqada guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasillinta kadib kulan ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta gaar ahaan dedaallada ay wadaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo xusay in si gaar ah ay talisku u dhiiragelinayaan ciidanka jooga furimaha.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo heyโadaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsigooda, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha amniga, howlaha booliiska ee xasliinta iyo wax qabadka guddiga muddadii uu jiray.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.