laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

Date:

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo oo Dhismihiisa Meel wanaagsan Maraysa

Laftagareen waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, waxana madaxweyne laftagareen uu la kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub Warbixin ayuu ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.

Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...