๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐งn๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญay ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ

Date:

kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijka Caafimaadka Mideysan (One Health), waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday wasaaradaha kala duwan ee hirgelinta hanaanka Caafimaadka Midaysan, oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay xubno ka socday heyโ€™adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sida FAO, WHO, iyo wakiillo ka tirsan jaamacadaha dalka.

Kulankan, oo magac loogu bixiyay โ€œSeminaarka Aragtida Mustaqbalkaโ€ (Visioning Workshop), ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha One Health iyo yoolalka caafimaad ee dalka. Waxaa sidoo kale la sameeyay Hordhac Tijaabo ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee One Health, si loo xaqiijiyo in qorshuhu uu waafaqsanyahay baahida caafimaad ee dalka iyo deegaanka.

Falanqeyn dheeri ah ayaa lagu sameeyay fursadaha jira, caqabadaha taagan, iyo khataraha la xiriira hirgelinta qorshaha Caafimaadka Midaysan ee dalka ee muddada 2025-2029.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac u ah kulamo ballaaran oo lagu soo bandhigi doono qorshaha rasmiga ah ee dalka, kaas oo ku saleysan horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo Caafimaad oo dhamaystiran oo laga heli karo meelkasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israaโ€™iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israaโ€™iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...