Wasaaradda Cadaaladda XFS oo war kasoo saartay maxaabiista ku xiran dalka Sacuudigaย 

Date:

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u yahay Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.

Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...