Wasiirka Maaliyadda XFS oo loo doortay Hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah loogu doortay inuu hoggaamiyo Madasha Iskaashiga Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ee 2-da sano ee soo socota, laga bilaabo bisha April 2025. Shirkani waa shir muhiim ah oo ay ka qeyb qaateen wasiirrada maaliyadda ee dalalka geeska Afrika, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalkan.

Shirka 23-aad ee madashan, oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa looga dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee madasha uu noqon doono Mudane Biixi Iimaan Cige, isaga oo xilka kala wareegaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, oo 2-dii sano ee la soo dhaafay ahaa guddoonka madasha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo qoraal kooban soo saaray kadib doorashadiisa, ayaa uga mahadceliyay golaha kalsoonida ay ku muujiyeen, isagoo si cad u sheegay in uu si hufan, cadaalad ah, iyo daahfurnaan ah u maamuli doono madasha iskaashiga Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo is-dhaafsiga aqoonta ee dhanka maaliyadda ee dalalka geeska Afrika, si loo gaarsiiyo horumar la taaban karo oo waara.

Xafiiska wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mudada uu xilkan hayo, uu xoogga saari doono sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo mashaariicda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha gobolka Geeska Afrika. Mudane Biixi Iimaan Cige wuxuu sidoo kale ballan-qaaday inuu xoojiyo xiriirka maaliyadeed ee dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay fursado cusub u abuuri doonaan ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee gobolka.

Doorashadan cusub ee Mudane Biixi Iimaan Cige waxay tahay mid muujinaysa kalsoonida iyo awooda Soomaaliya ee ka qeyb qaadashada qorshayaasha horumarineed ee gobolka Geeska Afrika. Taasi waxay sidoo kale qayb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka go’an in ay kaalin muuqata ka qaadato iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...