Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay, wafdi uu hogaaminayay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimaha dhowr ah oo ay kamid yihiin, Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, Dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho iyo dadkeeda ay u diyaar garoowayaan dhawaan iyo Shaqada abuurka dhallinyarada.

Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir iyo sida ay uga go’an tahay sidii Magaalada ay usoo ceshan laheyd bilicdii iyo heybadii ay laheyd, isagoo intaa kadib balan qaaday in QM ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu hourmarinaayo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu mahadceliyay Qaramada Midoowe kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer uga qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee Caasimadda JFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...