Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada

Date:

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaaladda Muqdisho.

Mudane Cabdisalaam, ayaa tilmaamay in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada, iyada oo la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalkeennu uu wax weyn ka qaban-doono dhibaatooyinka ay sababi karaan isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.

“Markii la dhisay Xukuumadda DanQaran Waxaa la sameeyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, iyada oo maantana aynu joogno Wasaaraddii waxbarashada oo soo kordhisay in ardayda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan la baro isbeddelka cimillada, waxaa aynu aqoonsannahay baahida degdegga ah ee loo qabo adkeysiga arrimaha isbeddelka cimillada dalkeenna, waxaan xaqiijiyanayaa in Xukuumaddu diyaarisay Shuruucdii lagu hagi lahaa barista ardayda saameynta isbeddelka cimillada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...