Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Addis Ababa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka ee Midowga Afrika (Africa CDC), Dr. Jean Kaseya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo wasiirku uu soo jeediyay in Africa CDC ay kor u qaaddo kaalinta qubarada Soomaaliyeed ee jihaynta siyaasadda caafimaad ee qaaradda Afrika. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay xoojinta mashaariicda caafimaad ee Africa CDC iyo kor u qaadista tababarada howl-wadeenada caafimaadka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Africa CDC ayaa bogaadiyay dadaallada Soomaaliya ee kor u qaadista tayada caafimaadka, isagoo xaqiijiyay in Africa CDC ay sii wadi doonto taageerada iyo xoojinta kaalinteeda ee horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...