Wasiir-dowlaha Gaashaandhigga oo marti-galiyay Kulan looga hadlaayo illaalinta Carruurta 

Date:

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa marti-gelisay kulanka seddex biloodka ah ee looga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa carruurta ay saameeyeen colaadaha.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XukuumaaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa furay kulanka, waxaana ka soo qeybgalay xubno ka tirsan wasaaradaha kala duwan, sida Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiilada Ilaalinta Xaqa-u-istaagga Carruurta iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka ee UNTSOM, iyo dhammaan saraakiisha ka shaqeysa arrimaha xuquuqda carruurta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa badbaadada carruurta Soomaaliyeed iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa waxyeellada ka dhalan karta colaadaha xilliyada dagaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...