Duqa Caasimadda oo casho sharaf u sameeyay dhallinyarada sameynta ku leh Baraha Bulshada 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa caawa xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casha sharaf ugu sameeyay hal abuure Asad Xaajiyow iyo qaar badan oo kamid dhallinyarada saameeynta ku leh aaladaha ay bulshada kuwada xariirta ee Social Media.

Ujeedka munaasabadan ayaa aheyd mid uu Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir uu ku dhiiragalinayay hal-abuure Asad Xaajiyow oo si adag oo geesinimo leh uga gudbay dhibaatada ay u geesteen Khawaarijta, sidoo kale kulankan ayaa ahaa mid lagu xogwareysanayay dhallinyarada saameynta ku leh Social Media.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in dhallinyarada saameeynta ku leh aaladaha ay bulshada kuwada xariirta ee Social Media ay door weyn ku lee yihiin soo gudbinta horumarka wanaagsan ee kajira Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...