Khawaarijta Daacish oo markale jab xooggan lagu gaarsiiyay gobolka Bari

Date:

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saakay fashiliyay weerar ay khawaarijta naf lacaariga ah ee Daacish ku soo qaadeen fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Khawaarijta Daacish oo jab xooggan lagu gaarsiiyay deegaannada Haraaryo iyo Togga-Jaceel ayaa meydad badan kaga cararay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad goboleedka Puntland.

Howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa khawaarijta Daacish lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, waxaana lagu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo malleeshiyaad tiro beel ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...