Madaxweynaha Kenya oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya

Date:

Madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ku qabtay kulan gaara uu kula kulmayay dublomaasiyiinta dalalka shisheeye ee jooga dalka Kenya, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaana Soomaaliya kulankaas ku matalayey.

“Waxaa la igu casuumay ka qeybgalka kulanka xogwareysiga ah ee uu Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto la qaatay dibloomsiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada. Kulanka ayaa Dowlada Kenya ku soo bandhigtay kuna muujisay aragtida istaraatiijiyadeed ee Kenya ee ku aaddan dhanka horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo in dib loo xaqiijiyo sida ay Kenya uga go’antahay sare u qaadida cilaaqaadka diblomaasiyadda iyo iskaashiga nabadda ee Gobalka”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo daris ah kuwaas oo xiriirkoodu uu xiligaan maraayo heerkii ugu sareeysay. Madaxweyne Ruto ayaa soo hadalqaaday xiriirka labada dal iyo doowrka Dalka kenya ee ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ku sugan dalka Kenya. Waxa uuna sheegay in uu si buuxda u garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...