Maareeyaha guud ee Hay’adda NIRA oo qaabilay qaabilay Madaxa Hay’adda IOM

Date:

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Nidaamka Aqoonsiga iyo Rasiidhinta (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa maanta Xarunta NIRA ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM-Somalia, Mudane Manuel M. Pereira. Kulanka ayaa looga hadlay sidii labada hay’adood ay isaga kaashan lahaayeen aqoonsi-siinta barakacayaasha gudaha iyo dadka dibadda ka soo laabta (returnees).

Hirgelinta nidaam aqoonsi oo mideysan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in si sahlan loo aqoonsado dadka ka faa’idaysta gargaarka bini’aadantinimo, iyo in xaqiiqda gargaarku gaaro dadka ugu baahan ee xaqa u leh. Aqoonsi-siinta waxaa sidoo kale lagu xaqiijinayaa in barnaamijyada bini’aadantinimo ay ku fuliyaan qaab cadaalad ah oo dhamaan dadka ay ka faa’iideystaan.

Sidaa darteed, wada-shaqeyntan ayaa qayb weyn ka qaadaneysa sidii loo dhamaystiri lahaa nidaamka aqoonsiga ee dalka, taas oo kaalin weyn ka ciyaari doonta nidaamka maamulka iyo ilaalinta xuquuqda dadka ugu nugul ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...