Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacaayasha Qaran iyo Madaxa IOM ee Soomaaliya oo kulmay

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka hay’adda Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa maanta xafiiska NCRI ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira iyo kuxigeenkiisa Marwo Murima Prestage.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada Hay’adood iyo sidii loo mideyn lahaa dadaalada lagu yareeynayo waxyaabaha abuura Barakaca iyo Tahriibka sida, collaadaha, isbadalka cimilada iyo saboolnimada.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa Madaxda IOM ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan garab istaagga dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah iyo Qaxootiga ku sugan gudaha dalkeena.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...