Raโ€™iisul Wasaaare ku xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha istaraatiijiyadda wasaaradda amniga

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.

Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda heyโ€™addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo heyโ€™addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, heyโ€™addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...