Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirweynahan Tamarta Afrika 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”, oo maanta furmay.

Shirkan oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda sare ee dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo khubarada ku xeel dheer arrimaha tamarta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madasha ku soo bandhigi doona aragtida iyo qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay ka leedahay horumarinta tamarta, iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo daneeyeyaasha ka qaybgalaya, isaga oo muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashiga ee dhinaca tamarta si kor loogu qaado horumarka waara ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...