Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay safiirka sucuudiga u fadhiya Muqdisho

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Muqdisho Amb.Axmed Bin Muxamed Al Muqallad.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga kaas oo ku qotoma ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Wasiirka ayaa ku ammaanay safiirka sida uu ugu heelan yahay xoojinta taageerada Sacuudiga uu siiyo Soomaaliya.

“Waxaan u kuur-galnay sida iskaashigeenu u gaarsiisan yahay qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Xiriirka iskaashi ee dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinacyadu iska kaashaadaan sidii horumar waara u gaadhi lahaayeen shucuubka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...