Heshiis Iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adda Qatar Charity

Date:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qatar Charity, ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu taageerayo barnaamijyada horumarinta daryeelka bulshada iyo xirfadaha farsamada gacanta.

Heshiiskan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo Madaxa Hay’adda Qatar Charity, Mudane Cabdifataax Adam Macalim oo uu weheliyo agaasimaha barnaamijyada iyo horumarinta caalamiga ah, Mudane Cabdicasiis Jassim Hejji.

Heshiiska wuxuu xoogga saarayaa xoojinta adeegyada ilaalinta bulshada si loo hubiyo in adeegyo hufan oo loo dhanyahay ay gaaraan bulshada. Iyada oo ay Intaasi sii dheer tahay horumarinta xirfadaha farsamada gacanta si ay dadka nugul uga faa’iideystaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, taasi oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu kobcinayo awoodda bulshada.

Ugu dambayntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hay’adda Qatar Charity uga mahadceliyay taageerada hagar la’aanta ee ay markasta la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...