Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qaadatay deeq bixiyayaasha Caalamka 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Safiirka Dowladda Canada u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya, Amb Christopher Thornley, ayaa si wadajir ah u guddoomiyey kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Qoyska iyo Deeq Bixiyeyaasha Caalamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta iyo taageerada Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, iyadoo Wasiirka Khadiija ay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka uga mahadcelisay soo dhaweynta iyo ballan qaadkooda ku aaddan wada shaqeynta howlaha Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa magaalada Nairobi shir guddoomisay kulan heer farsamo ah oo la xiriira shaqooyinka horyaala Wasaaradda, iyadoo la isla gartay in wada shaqeynta hay’adaha caalamiga ah ay noqoto hab waafaqsan qorshayaasha muhiimka ah ee Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...