Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka kula hadlay dhiggiisa Ukraine

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka diplomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada wasiir, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee ay ka wada leeyihiin. Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada diblomaasiyadda, tacliinta, iyo arrimaha amniga ee labada dal.

Dhiirrigelinta Iskaashiga Caalamiga ah Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan la xiriirka Ukraine iyo dalalka kale ee dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga siyaasadeed iyo diplomaasiyadeed ee labada dal uu ka qayb qaadan karo horumarka iyo xasilloonida gobolka iyo guud ahaan dunia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...