Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka oo Maalintiisa Labaad ka socda Muqdisho 

Date:

Shir Sanadeedka 7-aad ee Garsoorka Dalka, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkaan cinwaankiisu yahay “Casriyeynta Garsoorka waa Xoojinta Caddaaladda”. Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galaya garsoorayaal, Mas’uuliyiin ka socda dowladda, iyo khubaro caalami ah oo ka shaqeynaya horumarinta garsoorka iyo dhiirrigelinta caddaaladda.

Shirweynahan ayaa diiradda saaraya lagu saarayaa casriyeynta nidaamka garsoorka ee Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa madaxbannaanida garsoorka, taageerada garsoorayaasha, iyo horumarka laga sameeyay garsoorka dalka. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay qorshayaasha iyo tallaabooyinka la qaadi doono si loo hubiyo in garsoorka Soomaaliya uu noqdo mid cadaalad iyo hufnaan leh.

Shirka waxaa ka qeyb galaya garsoorayaal sare, hay’adaha garsoorka, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la filayaa in la isla galo xalalka iyo qorshayaasha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay sidii loo xoojin lahaa nidaamka garsoorka iyo dhiirrigelinta caddaaladda ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...