Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo soo Gaba-gabeeyey Shirka SHIIP oo ka socday Nairobi

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa magaalada Nairobi kusoo gaba-gabeeyey shirka Guddiga Hagista mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (Somali Horn of Africa Infrastructure Intregration Project) SHIIP.

Shirka oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamul Goboleedyada, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hawl wadeenada mashruuca SHIIP.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa si qoto dheer looga dooday waxyaabihii u qabsoomay mashruuca sanadkii hore, Qorshaha sanadkan cusub iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan hawlaha shaqo ee mashruucaan ku saabsan daraasadaynta iyo naqshadaynta jidadka kaas oo qayb ka ah mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo soo xiray shirka ayaa bogaadiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen madaxda iyo hawl wadeenada mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (SHIIP).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...