Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo Kulan la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan rasmi ah la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq, Mudane Qasim Al-Araji. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka iyo tababarada ciidamada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga lagu xoojinayo nabadgelyada gobolka. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq taageerada iyo khibradaha ay u soo bandhigeen Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac.

Dhankiisa, Mudane Qasim Al-Araji ayaa ballan qaaday in Ciraaq ay ka go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarada, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada. Wuxuu sidoo kale amaanay dedaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan amniga iyo nabadeynta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...