Ciidanka Boliiska oo gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey Walxaha Qarxa

Date:

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho.

Walxaha qarxa ayaa lagu soo farsameeyay sameecadaha cod baahiyaasha, waxaana ay dhagarqabayaashu ku talagaleen in ay farsameysan ugu gudbiyaan ciidamada si ay ugu sameeyaan weerar.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahooda ayaa ku guuldareystay, maadaama ciidanka Boliiska ay si aad ah ugu diyaar garoobeen ka hortagga farsamooyinka cusub,oo ay Khawaariijtu adeegsanayaan. Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah, ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa, taasoo ka hortagtay fal-dambiyeed weyn oo ka dhici lahaa caasimadda.

Ciidanka Boliiska, ayaa sheegeen in gaariga iyo walxaha qarxa ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...